Trump oo ogolaaday in uu macasalaameeyo Aqalka Cad

Donald Trump wuxuu ugu danbayn ogolaaday in ay dhacdo kala-wareejin nabdoon isagoo dhammaan hay’adaha u fasaxay in ay samayn karaan hawlaha kala wareega ee labada maamul.

Trump wuxuu macasalaamaynaa Aqalka Cad oo muddo afar sanno ah uu ka ariminayay, isagoo gaadhay go’aamo dunida ka yaabiyay oo intooda badani ay taariikhi yihiin kuna adkaan karta Joe Biden in uu wax ka bedelo ama wakhti qaadan karta sida ay qabaan khubaradu.

Gudida guud ee doorashooyinka Maraykanka ayaa sheegay in ay si rasmi ah u qirayaan guusha uu gaadhay murashax Dimuqraadiga Joe Biden, taas oo sii kordhinaysa awoodaha Biden ka hor 20 bisha January oo loo cumaamadayo madaxtinimada Maraykanka.

Trump wali wuxuu aaminsanyahay in lagaga shubtay manuu qirin in Biden uu guulaystay, balse wuxuu ogolaaday in kala wareega la sameeyo, isna uu sidaa kaga huleelo talada.

Joe Biden wuxuu Salaasada bilaabi karaa in uu magacaabo xubnaha ugu sareeya maamulkiisa oo qaarkood lasii ogyahay sida la taliyaha ammaanka qaranka, xoghayaha arimaha dibadda, agaasimaha Aqalka Cad iyo saraakiil kale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga