Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa lagu amray in uu bixiyo aduun lacageed oo dhan $2million, arintaas oo loo sababeeyay deeqo uu musuqmaasuqay.

Donald Trump ayay maxkamad ku taala magaalada New York ay ku xukuntay in uu laacgtan bixiyo, kadib markii lagu helay in uu si khaldan u adeegsaday lacago ay lahayd hay’addiisa mucaawinooyinka ee Trump Foundation.

Mr. Trump ayaa arintan ku tilmaamay mid siyaasadaysan oo ay dabada ka riixayaan masuuliyiinta xisbiga Dimuqraadiga ee magaalada New York.

Labada caruur ee uu Trump dhalay ee Ivanka iyo Eric ayaa iyaguna lacagahan ku lug leh, maadaama ay madax ka ahaayeen hay’adda Trump Foundation.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga