Donald Trump wuxuu ku hanjabay in uu soo fasaxayo milatariga Maraykanka hadii aanay kala go’in rabshadaha dalkiisu. Badhasaabada ayuu u sheegay in uu maamulka ammaanka kala wareegayo, hadii ay kale ay tahay in ay soo celiyaan xasiloonida. Shir jaraa’id oo Aqalka Cad uu ku qabtay ayaa laga hdex maqlayay sawaxanka kasoo yeedhaya dadka tuban banaanka Aqalka.

Cadhada ka dhalatay dilka George Floyd ayaa ka badatay intii la faliyay. Waxay u egtahay mawjado tabashooyin gaamuray ah oo dilkani uu soo fatihiyay. 75 magaalo ayay dibad-baxyadu ka socdaan.

Bandooga lagusoo rogay magaalooyinka Maraykanka ayaa noqday hal bacaad lagu lisay, iyadoo dadku aanay dheg jalaq u siinin. Magaalooyinka qaar ayaa boobka, iyo burburka ka socda aan sanado badan looga baran Ameerika.

Dastuurka Maraykanka ayaa madaxweyne Trump u ogolaanaya in uu isticmaalo milatariga isagoo maraya xeerka federaalka ee rabshadaha. Xeerkan oo la isticmaalo waxa Maraykanka ugu danbaysay 1992-kii, sida ay sheegeen kooxaha cilmi-baadhista ee Koongareeska Maraykanku.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga