Donald Trump wuxuu ka badbaaday maamuus-ka-xayuubin kadib dacwad todobaado soo socotay oo hor taalay Aqalka Sennedka ee dalka maraykanka.

Codadka loo baahnaa si Trump loogu qaado maamuus-ka-xayuubinta ayaa la waayay kadib markii uu ku badabaaday xildhibaanada xisbigiisa Jamhuuriga oo is hor taagay kiiska ka dhanka ah Trump.

Kadib codayn si wayn ay xisbiyadu ugu kala jabeen, 57 xildhibaan ayaa u codeeyay in Trump dacwadda lagu qaado, halka 43 xildhibaan ay diideen.

Waxa loo baahnaa 3/2 codadka Sennedka, balse lama helin. Taas oo Trump ka dhigaysa in uu beri yahay.

10 xildhibaan ayaa ka dhinnaa tirada loo baahnaa, waxaana xusid muda in 7 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Trump ay u codeeyeen in lagu sameeyo maamuus-ka-xayuubin.

Kadib codaynta, Trump oo hadlay wuxuu sheegay in dib usoo laaban doono siina wadi doono wax uu ku sheegay danta ameerika.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga