Madaxweynaha dalka maryakenaka ayaa dhaleecayn usoo jeediyay laamaha sirdoonka ee dalkiisa.

Trump ayaa masuuliyiinta sirdoonka ugu baaqay in ay dib wax usoo bartaan kuna laabtaan iskuulada sida uu ku sheegay qoraalo isxigxigay oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay twitterka.

Madaxda sirdooonka ayuu usoo jeediyay in ay la socdaan khatarta iran, xili laamaha sirdoonka ee dalka maraykanku ay sheegeen in iran ay joojisay horumarinta barnaamijkeeda nukliyeerka. waxay sidoo kale sheegeen in Kuuriyada Waqooyi aanay weli ka Hadhin howsheedii aheyd sameynta iyo keyddinta hubka wax gumaada ee Nukliyerka.

Sirdoonka maraykanka ayaa maalintii salaasada warbixntan u gudbiyay aqalka sare ee baarlamaanka maraykanka.

Warbixnta ayay sidoo kale sirdoonka marayaknku kaga digeen khatarta maraykanka uga iman karta weerarada dhinca internetka ee wadamada shiinaha iyo ruushku ay ku qaadan dalka marakenka.

Madaxweyne Trump ayaa ka cadhooday warbixinta ay sirdoonku u gudbiyeen baarlamaanka, isagoo si wayn ugasoo horjeeda daawladda iran oo uu cunqabatayn cusub kusoo rogay, halka sirdoonku ay sheegeen in iran ay u hogaansantay heshiiskii lala galay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga