Donald Trump wuxuu dacwad ka gudbiyay gabadh uu adeer u yahay iyo wargeysaka New York Times, oo uu eedaymo kala duwan u jeedinayo.

Mary Trump iyo saddex saxafi oo ka shaqeeya wargeyska The New York Times ayuu ka gudbiyay dacwadda oo ku kacaysa adduun lacageed oo lagu sheegay $100 million.

Waxa uu ku eedeeyay in ay si qarsoodi ah oo sharcigabaal marsan ku baadheen hantidiisa iyo rikoodhkiisa dhanka cashuuraha oo markii danbe ay soo bandhigeen lacago badan oo cashuuro ah oo lagu leeyahay kambaniyada Donald Trump.

Abaalmarinta caanka ah ee Pulitzer Prize ayay heleen gabadha uu adeerka u yahaya Trump iyo saxafiyiinta baadhitaanka sameeyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga