President Donald Trump speaks to the media before boarding Air Force One for a trip to a campaign rally in Freeland, Mich., Thursday, Sept. 10, 2020, in Andrews Air Force Base, Md. (AP Photo/Evan Vucci)

Donad Trump, ninka ugu awooda badan dunida, madaxweynaha Maraykanka wuxuu markii ugu horaysay shaaciyay in laga helay xanuunka Coronavirus.

Qoraal uu saacado ka hor soo galiyay barahiisa bulshada ayuu ku sheegay in isaga iyo xaaskiisa Melania Trump laga helay Covid-19.

“Caawa aniga iyo Melania waxa lagana helay Covid-19. Waxaanu gali doonaa xaaladda karantiinka iyo bogsashada. Si wada jira ayaanu ula tacaali doonaa” ayuu Trump ku yidhi qoraalkiisa.

Waxa uu war la yaab ku noqday badi bulshada caalamka, xili Donlad Trump uu beenin jiray xaqiiqooyinka xanuunka Covid-19.

Trump waxa uu diiday in uu xidho maaskiga afka isagoo ololayaasha iyo marka uu dadka kale dhex galaba aan xidhan jirin maaskiga.

Hore waxa xanuunka looga helay xubno ka tirsan Aqalka Cad ee Ameerika looga arimiyo.

Xanuunka Covid-19 wuxuu Maryakanka ku dilay in ka abdan 200,000 oo qof. Donald Trump ayaa lagu canaantay in aanu ahmiyad siinin sidii xanuunka wax looga qaban lahaa ee uu ahmiyadda siiyay dhaqaalaha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga