iyada oo muhaajiriinta ka yimid dalalka badhtamaha Amerika ay kusoo qulqulayaan xuduudda waqooyi ee Mexico, ayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxa uu rajadooda ah inay soo galaan Mareykanka ugu yeedhay “xaalad qaran oo deg deg ah”.

In ka badan 2,000 oo ka mid ah ciidamada ilaalada qaranka ayaa Mareykanka uu geeyey xudduuda. Si kastaba, Trump ayaa khamiistii ka digay inuu ciidamada milatariga geyn doono xuduudda, si uu uga hor-tago in dadkaas ay soo galaan Mareykanka.

“Milatariga ayaan u keenayaa xaaladdan qaran ee deg degga ah. Waa la joojin doonaa” ayuu Trump ku qoray bartiisa twitter-ka.

Trump ayaa sidoo kale sarkaal ka tirsan midowga shaqaalaha ilaalada xuduudda ku raacay in dimqoraadiga ay sabab u yihiin dadkan muhaajiriinta ah ee raadinaya inay soo galaan Mareykanka.

Trump ayaa ku eedeeyey dalalka Honduras, El Salvador iyo Guatemal inaysan celin dadkooda usoo socdaalaya Mareykanka, waxaana uu sheegay inuu ka jari doono ama ka dhimi doono gargaarka Mareykanka uu siiyo dalalkaas.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga