Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa baadariyiinta iyo hogaamiyayaasha diinta Kiristanka iskugu keenay kulan gaar ah oo ka dhacay Aqalka Cad.

Donald Trump wuxuu ka codsaday in ay ugu duceeyaan xilka, wuxuuna u sheegay on xaaladiisu ay meel hails ah marayso.
Baadariyiinta wuxuu waydiistay in ay ugu duceeyaan sidii uu xilka usii hayn lahaa, isla markaana uu uga badbaadi lahaa dacwadda xil-ka-xayuubinta ee isaga ka dhanka ah oo imika ka socota aqalka Koongareeska.

Paula White-Cain, oo ah wadaadka gaarka ah ee Trump ayaa illaa 50 baadari iskugu yeedhay Aqalka Cad, iyadoo lagu shiriyay qolka Golaha Wasiirada, halkaas oo Trump-na uu ugu yimi.

Sheekadan ayaa siyaabo kala duwan looga fal-celiyay, iyadoo dadka qaar ay madaxweyne Trump ku tilmaameen ‘fulay.’

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga