Donald Trump waxa uu dhexdhexaadinayaa wadamada Itoobiya iyo Masar oo isku haya biyaha webiga Niil, xili Itoobiya ay dhisanayso dhaamka ugu wayn Afrika ee koronto laga dhalin doono. Madaxweynaha Maraykanka ayaa martigalinaya shir ay iskugu yimaadeen wasiirada arimaha dibadda ee wadamada Itoobiya Masar iyo Sudan oo webigani uu wadamadadooda maro isla markaana ay ka faa’iidaystaan biyihiisa.

War murtiyeed ay siwada jira usoo saareen ayay ku xussen muhiimadda uu webigani u leeyahay koboca dhaqaale ee wadamadan, iyagoo balanqaaday in ay gaadhi doonaan heshiis laga wada macaasho oo dhinacwalba ay dani ugu jirto.

Masar ayaa si wayn ugu tiirsan biyaha webigan,iyadoo walaac balaadhan ka muujisay dhaamka ay dawladda Itoobiya ka dhisanayso gudaha dalkeeda, kaas oo ay ka cabsi qabto in uu yareeyo saamiga ay ka hesho biyaha webiga.

Itoobiya ayaa dhaamkan oo ka mid noqonaya kuwa ugu waawayn caalamka ka hirgalinaysa meel u dhaw xadka ay la wadaagto waddanka Sudan. Wuxuu ku kaca aduun lacageed oo gaadhaya $4bn iyadoo si rasmi ah loo dhamaystiri doono sanadka 2022-ka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga