Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo Hadal ka Jeediyey Shirka Guud ee Qaramadda Midoobay ayaa Talaadad Maanta u sheegay Golaha Guud ee in adduunku uu leeyahay “waajibaad wax qabad” marka ay timaado Iran.

“Mid ka mid ah khataraha amni ee ugu weyn ee soo food saaraya ummadaha nabada jecel maanta waa nidaamka cadaadiska ah ee Iiraan,” ayuu yidhi Trump.

Trump ayaa intaa ku daray “Majirto dowlad mas’uul ka ah inay kabto dhiiga daadanaya.” “Ilaa inta dhaqan xumada Iiraan ay sii socoto, cunaqabateynta lama qaadi doono. Waa la adkeyn doonaa.”

Hadalka madaxweynaha Mareykanka ayaa ku soo aadaya xilli xiisado ka dhex taagan tahay Bariga Dhexe kadib weeraradii lagu qaaday xarumaha saliida ee Sacuudiga.

Intii uu khudbadiisa ku Guda Jiray madaxweynaha Mareykanka wuxuu yidhi “waxaa la joogo waqtigii hogaamiyaasha Iiraan ay ugu dambeyntii siideyn lahaayeen dadka reer Iiraan. Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu soo dhoweeyo saaxiibtinimada dhammaan kuwa dhab ahaan doonaya nabad iyo xushmad.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga