Barack Obama madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka ayaa hadalo kulul ku duray madaxweyne Donald Trump. Maalintii Arbacada ayuu sheegay in Trump aanu marna u qalim in uu hogaamiyo Ameerika.

Mr. Obama wuxuu ka dayriyay dimuqraadiyadda Ameerika oo uu sheegay in ay halis ku jirto haadii aanay shacabka reer Maraykan codkooda ku ridin Donald Trump. “Uma wado wax dan ah Ameerika, kaliya naftiisa iyo saaxiibadii ayuu ka fikirayaa” “ma awoodo in uu wax qabto, fashilka ka dhashaana wuxuu yeelan doonaa cawaaqib xun” ayuu yidhi Obama.

Hadalada Obama ayaa imanaya maalin kadib markii xaaskiisuna ay durtay hogaaminta Trump. Joe Biden iyo gabadha u tartamaysa jagada ku xigeenka madaxweynaha ee Kamala Harris ayaa iyaguna hadalo dhaleecayn ah u jeediyay Trump.

Ololaha doorashada madaxtinimada ee Maraykanka ayaa maraysa meel xasaasi ah. Waa xili ay murashaxiintu isku dayayaan in ay hantaan aragtiyaha shacabka si ay u helaan kalsoonida codka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga