Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa shaqada ka eryay la taliyihiisii dhanka ammaanka.

Qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka ayuu ku sheegay in aanu lasii shaqayn karin, isla markaana uu ku diiday arimo badan oo la xidhiidha siyaasadda milatari ee ay ku wajahayaan Bariga Dhexe.

John Bolton ayaa jagadan soo hayay illaa horaanta sanadkii 2018, isagoo madaxweynaha Marayanka ay isku afgaranwaayeen wadahdalada kooxda Taliban. Wuxuu si toos ah uga baxay aqalka cad shalay.

Trump ayaa todobadka danbe soo magacaabi doona la taliye kale oo dhanka amaanka kala shaqeeya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga