Raysalwasaaraha Itoobiya wuxuu wajahayaa cadaadiskii ugu cuslaa isagoo weli aan ka gun gaadhin dagaalka uu sanadkii tegay ka bilaabay waqooyiga dalkiisa.

Waa xili TPLF ay sheeganayso guulo hor leh, dagaalkuna gudaha gobolka kusii xoogaysanayo.

Tigraygu waxay sheegteen saacadihii tegay in ay la wareegeen deegaanka Dessie oo ah mid istaraatiji ah kana tirsan dhulka Amxaarada.

Waa sheegasho ay beenisay dawladda Itoobiya iyo maamulka Amxaarada labaduba.

Afhayeenka TPLF oo ku sugan goob aaan la garanahayn, laguna waraystay settelite-ka ayaa ku waramay in ciidamadoodu ay la wareegeen Dessie, iyagoo ku siqaya dhanka Kombolcha oo isla deegaanka Amxaarada ah.

Maraykanka oo war soos aaray wusxuu ugu baaqay dagalaamayaasha Tigraygu in ay la laabtaan dhulka Canfarta iyo Amxaarada ee ay qabsadeen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga