Dhimashada ayaa sii kordhaysa waqooyiga dalka Afkaanistaan ee dhaca badhtamaha koonfureed ee qaaradda Asia.
Illaa 66 qof ayaa la xaqiijiyay dhimashadooda kadib roobab waawayn oo ka da’ay gobolka Parwan ee Afkaanistaan, sida ay saraakiisha gobolku u sheegeen warbaahinta.
Afhayeen u hadashay maamulka gobolka ayaa sheegtay in khasaaruhu uu sii badanayo, iyadoo kooxaha gargaarkuna ay maydadka kasoo daabulayaan dhismayaasha dumay.
Illaa 100 qof in ku dhaw ayaa ku dhaawacmay fatahaadaha biyaha roobka, iyadoo dad badanina ay hoy la’aan yihiin kadib roobka oo burburiyay dhismayaal badan. Illaa 300 oo guri ayaa dumay.
Madaxweyne Ashraf Qaani ayaa laamaha dawladdiisa faray in gargaar la gaadhsiiyo goblka Parwan.
Robaabka xiliga xagaaga da’a ayaa inta badan khasaare badan kaga taga waqooyiga Afkaanistaan, waxaana si sanadle ah halkan ugu dhinta boqolaal qof.