Tobanaan qof ayaa mar kale lagu dilay weeraro ka dhacay dalka ku yaala badhtamaha qaaradda Afrika ee Koongo.

Illaa 46 qof oo ahaa dad rayid ah ayaa lagu dilay weeraro la aaminsanyahay in ay ka danbeeyeen kooxo fallaago deegaaanka bariga jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Koongo, sida uu ku waramay sarkaal sare oo madaxda gobolka ka tirsan.

Ciidamada ammaanka ee Koongo ayaa tegay deegaanka oo lagu magacaabo Irumu si ay baadhitaano ugu sameeyaan waxa dhacay.

Kooxaha weerarka ka danbeeyay ayaa kasoo jeeda dalka Uganda. Qaramada Midoobaya ayaa aamisan in tan iyo sanadkii 2019 ay kooxahani ku dileen bariga Koongo dad ka badan 1,000 qof.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga