Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee dalka Talyaaniga ayaa badbaadiyay 49 muhaajiriin ah oo markab yar oo arimaha gargaarka ka shaqeeyaa uu kasoo badbaadiyay badda ay muhaajiriintu isku biimeeyaan ee halista badan ee Meditarrenean-ka.

Hawl-gal uu maalgaliyo nin farshaxanka sawirada ka shaqeeya una dhashay dalka Ingiriiska ayaa lagu badbaadiyay muhaajiriinta kadib markii ay maalmo ku asqaysnaayeen badda, wax yarna u jireen in doontu ay la degto.

Markabka Liuose Michel ayaa gurmad u dirtay ciidamada reer Yurub balse wax gargaar ah kamuu helin. 15 saacadood kadib markii ay qaylo dhaanta direen ayay heleen markab gurmad ah oo ay u direen ciidamada dalka Talyaanigu.

Midawga reer Yurub waxay joojiyeen hawlgaladii badbaada ahaa ee ay u fidin jireen muhaajiriinta sida indho-beelka iskugu biimeeya badda u dhaxaysa wadamada Libya iyo Talyaaniga. 

Maraakiib yaryar oo arimaha samafalka ka shaqeeya ayaa imika u badan kuwa hawlaha samato-bixinta ka wada badda.

Muhaajiriinta ayaan wali joojin in ay rejo bidaan dhanka qaaradda Yurub, balse wadamada reer Yurub ayaan imika ogolayn muhaajiriin ka badan kuwa dalalkooda jooga. Siyaasadaha muhaajiriinta ayay wadamadu marar badan isku qabteen, iyadoo keentay in dayac iyo cadaadis badan ay wajahaan xataa kuwa gala gudaha Yurub.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga