Muhaajiriinta ayaa wali ku qulqulaya badda halista badan ee u dhaxaysa wadamada Libya iyo Talyaaniga. Maydadka 22 qof ayaa laga helay xeebaha dalka Libya kadib markii ay baddu soo tuftay.
Hay’adda socdaalka qaramada midoobay ayaa ku warantay in dadkani ay ku jireen doon todobaadkii hore u degtay badda, taas oo tobanaan muhaajiriin ahi ay ku nafwaayeen. Waa dhacdo lagu tilmaamay tii ugu xumayd ee sanadkan la arko.
Maydadka 45 qof ayaa hore loo helay kadib doonta qaraqantay, todobaadkii aynu soo dhaafnay.
Afhayeen u hadashay hay’adda IOM ayaa wakaalada AFP u sheegtay in dhamaan maydadka cusubi ay ahayeen rag Afrika kasoo jeeda, balse wali aanay xaqiijin haybtooda iyo wadamada ay kasoo jeedaan.
Doonta degtay ayaa noqonaysa tii afraad ee muddo bil ah ku degta badda Mediterannean-ka.
Hay’adda IOM waxay diwaangalisay in ka badan nus milyan muhaajiriin ah oo imika ku sugan gudaha Libya.