Dhaawaca ayaa kor u dhaafay 150 qof gudaha magaalada Qudus gaar ahaan masaajidka barakaysan ee alAqsa, halakas oo ay ka dhaceen iska hor imaado u dhexeeya ciidamada Israel iyo muslimiinta ku cibaadaysanaysay masaajidka barakysan ee alAqsa.

Saraakiisha caafimaadka ee Falastiin ayaa xaqiijiyay dhaawaca 150 qof oo Falastiiniyiin ah kuwaas oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Rabshadaha ayaa jibaarmay markii ciidamada Yuhuudu ay gudaha u galeen masaajidka barakaysan ee alAqsa, halkaas oo beegsadeen dadka ku cibaaysanaya.

Waxay ku eedeeyeen muslimiinta in ay dhagxan iyo walxo dab ah ku tuureen ciidamada Yuhuuda ee ku sugna axayn daabka msaajidka barakaysan.

Saddex ka mid ah booliska Yuhuuda ayaaku dhaawacmay rabshadaha sida ay xaqiijiyeen saraakiisha booliskoodu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga