Qoraal lagu daabacay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in la helay kiisas cusub oo ah Coronavirus, qoraalkan oo lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa waxaa lagu yidhi:

”Dr. Fawziya Abikar Nuur, Wasiirka Caafimaadka oo maanta bulshada la wadaagtay xaaladaha cusub ee caabuqa COVID-19, ayaa sheegtay in 24-kii saac ee ugu danbeysay la xaqiijiyey 55 xaaladood ee cusub oo COVID-19 ah. 41 ka mid ah waxaa laga helay Gobolka Banaadir, 13 xaaladood Maamulka Puntland iyo 1 xaalad laga helay Maamulka Hirshabelle. Wadarta guud ee xaaladaha caabuqa ayaa ah 928 xaaladood, waxaa geeriyooday 5 bukaan, waxaana bogsaday 19 bukaan.

Wasiirka ayaa umadda Soomaaliyeed u sheegtay ahmiyadda ay leedahay ka hotagista iyo xakameynta caabuqa maadaama uu kusii fidaayo dhammaan Maamullada dalka, laguna dadaalo qaababka looga hortago sida gacmo dhaqashada, af-xirka iyo yareenta isu socodka bulshada.”

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga