Tirada uu asiibay cudurka Coronavirus ayaa kor u dhaaftay laba Milyan oo qof, iyadoo dadka u dhintayna ay ku dhaw yihiin 130,000.

Dalka Maraykanka ayaa noqday xudunta cudurka Coronavirus, halkaas oo laga helay in ka badan nus Milyan qof kadib markii baadhitaan lagu sameeyay 3 Milyan 120,000 oo qof.

Dalalka laga xaqiijiyay tirada ugu badan cudurka Covid-19, ayaa sidoo kale waxaa kamid ah Spain, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska iyo Ingriiska, sida ay ku warrantay jaamacadda Johns Hopkins oo si dhow ula socota tirakoobyada dadka uu asiibay cudurku dunida oo idil.

Corona, ayaa dadka dunida ku abuuray werwer, isagoo saameeyay dhaqaalaha adduunka iyadoo cudurkan safmarka ahi uu dunida kaga tegi doono saamayn taariikhi ah.

Dhammaan culimada dhanka caafimaadka qaybaha ku shaqo leh dhanka baadhista, samaynta tallaallada iyo cilmi-baadhisyada caafimaadka, ayaa u jeestay wax ka ogaanshaha cudurkan.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga