Tigraygu waxay shacab badan oo aan hubaysnayn ku xasuuqeen deegaanada ay qabsadeen ee dhulka Amxaarada, sida lagu ogaaday baadhitaan cusub oo ay samaysay hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee HRW.
HRW waxay dalbanaysaa in lasii xoojiyo baaqa Golaha Ammaanka ee ahaa in la sameeyo gudiyo madax banaan oo baadha tacadiyada aan tirada lahayn ee dhinacyada ku dagaalamaya Itoobiya ay shacabka gaadhsiiyeen.
Deegaanada Chenna iyo Kobo ayay ciidamada Tigraygu ku dileen tobanaan qof, sida dadka deegaanku ay u sheegeen hay’adda xuquuqda aadanaha ee HRW.
Maamulka Tigraygu waxay beeniyeen in ay wax tacadi ah sameeyeen ciidamadoodu, si la mid ah ciidamada dawladduna waxay beeniyeen in ay dad laayeen rayid ah.