Tigrayga ‘oo burburiyay guutada 21-aad ee ciidamada federaalka’

Afhayeen u hadlay maamulka Mekelle ee Tigrayga Itoobiya ayaa xusay in ay gabi ahaanba baabiiyeen guutada 21aad ee ciidamada federaalka Itoobiya oo gobolka uu saldhigoodu ahaa.

Getachew Reda oo khudbad talafishanka laga baahiyay ka hadlayay wuxuu intaa ku daray in dhammaan shacabka Mekelle la hubeeyay si ay isu difaacaan.

Nus milyanka qof ee ku dhaqan magaalada caasimadda Tigrayga ayaa intooda badan hub la siiyay, si ay magaalada uga difaacaan maamulka Abiy Axmed oo raba in uu xoog ku galo.

Dhanka dawladda federaalka weli kamay hadal sheegashooyinka kasoo baxay maamulka Tigrayga ee guutada ay baabiiyeen.

Gelitaanka gobolka ayaa la adkeeyay iyadoo cid xog ka keenta aan la heli karin.

Sheegashooyinka labada dhinac ayaa iyaga ku kooban, illaa inta caddayn kale laga helayo.

Nus milyan qof dad ku dhaw ayaa ku qaxay colaada uu bilaabay raysalwsaaraha Itoobiya, halka boqolaal kalana lagu dilay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga