Theresa May ayaa ku boorisay iskaashi dhinaca ammaanka ah in ay si wadajir ah u fidiyeen Midowga Yurub ayada oo hadalkani ka sheegtay Shirweynihii Nabada ee sannadlaha ahaa oo maalintii labaad ka socda dalka jarmalka

 

 

Shirka caalamiga ah ee amaanka dunida ayaa isu keenay wakiillada dowladaha aduunka iyo khabiiro dhanka difaaca ku Takhasusay

 
“Boqortooyada Ingiriisku waxay kalsooni ku qabtaa mustaqbalka,amniga qaarada Yurub,
“Tani ma noqon karto wakhti midba midka kale uu hanjabaad u gudbiyo amaba fikrado siyaasadeed isku qabtaan si looga hortago wixii carqaladaynaya wadashaqaynteena iyo wixii khatar ku ah ammaanka muwaadiniinteenna.

 
May ayaa diiradda saari doonta sidii xal looga gaadhi lahaa iskaashiga dhanka amaanka ah oo u dhaxeeya kooxaha yurub iyo Ingiriiska oo ay ku sheegtay in ay tahay arrin muhiim u ah xukuumaddeeda, iyada oo UK ay ka goosanayso EU-da March 2019.

 

 

“Theresa May waxay isku day-day in ay sheegto qorshaha nabadgelyadu uu yahay waxa ugu fiican ee ka dhici kara UK iyo Yuruba marka la eego iskaashiga milatari, iskaashiga amniga,iskaashiga dhaqaalaha uruurinta sir doonka, xidhista amarrada,ka soo horjeeda kooxaha argagixisada sida kooxaha ISIS

 

 

Si kastaba ha ahaatee, hadalka May wuxuu helay jawaab ka duwan kuwa ka soo qaybgalay shirka, oo aw u ahaa falcelistiisii ​​koowaad,

 

 

“Madaxda Midowga Yurub ayaa sheegay in xukuumadda ingiriisku aysan kaliya kari karin kala duwanaanta heshiiska ay doonayaan mustaqbalka dhow

 

 

“Midowga Yurub ayaa yidhi, tani waa wax ka duwan,Amniga Qaarada yurub oo u baahan in laga wada xaajoodo.”

 
May ayaa ballanqaaday in ay ilaalin doonaan xuquuqda muwaadiniinta Midowga Yurub iyo Britain iyada oo sheegtay in go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Yurub ee(ECJ) laga tixgelin doono maxkamadaha UK.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga