Shiinuhu wuxuu jibaaray hawlgaladiisa milatari ee uu ka wado xuduudaha jasiiradda uu sheegto ee Taywan. Waa hawlgalo ay Taywan ka digtay cawaaqibka ka dhalan kara.
“Shiinuhu marna ma wiiqi karo xaqa ay Taywan u leedahay in ay is difaacdo, daandaansiyada milatarina kaliya waxay sii adkaynayaan aragtiyaha shacabka Taywan’ ayaa lagu yidhi war kasoo baxay wasaaradda difaaca ee Taywan oo ka jawaabaysay hawl-galada Shiinaha.
Xisbiga Shuuciga ee Shiinuhu wali wuxuu aaminsanyahay in Taywan ay ka tirsantahay dhulkiisa.
Taywan waxay imika ku hubaysantahay hub casri ah oo Maraykanku uu ka iibiyay. Jasiiradda ayaa heshiis ku kacaya $10bn oo hub ah sanadkii hore la saxeexatay dawladda Maraykanka.
Shiinaha ayaa diidan horumarka milatari ee Taywan ay samaynayso iyo xidhiidhada dibadda oo ay kordhisay. Bariga Afrika waxay dhawaan xafiis cusub ka furatay magaalada Hargeysa, taas oo dawladda Shiinuhu ay si adag ugasoo hor jeedsatay.