Dalalka Jabuuti Iyo Eritrea Oo Ah Labada Waddan Ee Ugu Dhulka Yar Waddamada Bariga Afrika, Ayaa Waxa Mudo badan ka Dhexeeyay Muran Dhanka Xuduudka Ah, Kaasi Oo Soo Bilaabmay Tan Iyo Xornimadoodii.

Labada Dal Ayaa Waxa Ay Isku Hayaan Jasiirada Ra’su dumayra. Labada Dal Ayaa Sannadkii 1996, Waxa Ay Heshiis Ku Gaadheen In Hoos Loo Dhigo khiaafkooda dhinaca, Iyada Oo Dawladda Eritrea Ay Ciidamadeeda Kala Baxday.

Khilaafka Ayaa Soo Laabtay Sannadkii 2008, Ka Dib Markii Dawladda Jabuuti Ay Sheegtay In Ciidamada Eritrea, Ay Hawlgallo Ka Bilaabeen Deegaanada Jasiiradda Ra’su Dumayra. Iska Hor Imaad Ayaa Ka Dhacay, Kaasi Oo Waddamo Reer Galbeed Ahi Ay Taageero Siiyeen Ciidamada Jabuuti.

Halkee Ayay Colaaddan Labada Dal Dhex Taallaa Ka Soo Bilaabantay

Qadiyadan Isku Qabsiga Dhulka Ee Labada Dal Ayaa Waxa Ay Soo Bilaabantay Xilligii Isticmaarka. Labada Dal Ayaa Waxa Kala Gumaysananayay Faransiis Oo Dhanka Jabuuti Ah Iyo Talyaaniga Oo Dhanka Eritrea,

Jasiiradda Ra’su Dumayra Ayaa Waxa Ay Labada Dhinac U Kala Qaybsadeen Woqooyiga Oo Uu Qaatay Talyaanigu Iyo Koonfurta Oo Uu Qaatay Faransiisku. Iyada Oo aan Go’aan Laga Gaadhin Dhanka Ay Raacayso Jasiiraddu Ayaa Labadii Dal Ay Heleen Xoriyadoodii, Khilaafkaasi Xuduudkuna Halkaas Ayuu Ka Soo Bilaabmay, ilaa Iyo Haatanna Waa Mid Taagan Oo Labada Dhinac Ay Isku Hayaan.

Dawladda Jabuuti Ayaa Dhawr Jeer Sheegtay In Eritrea Ay Ciidamadeeda Soo Dhoobtay Jasiiradda, Taasi Oo aanay Eritrea Ka Bixin Wax Jawaab Ah.

Sannadkii 2008 Markii U Dhacay Dagaalku Ayaa Waxa Ciidamada Eritrea Ay Qabteen Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Jabuuti. Ciidamadaas Ayaa Qaar Ka Mid Ah Ay Eritrea Siidaysay, Waxaana Jira Kuwo Kale Oo Ay Haysto,

Dawladda Qatar Oo Dhexdhexaadinaysa Labada Dhinac, Ayaa Waxa Ay Ciidamo ay leedahay Keentay Deegaanka La Isku Hayo, iyada Oo Ay Colaaddina Is Dhintay. Ciidamada Dalka Qatar Ayaa Iskaga Baxay Deegaankaasi, Ka Dib Markii Labada Dhinac Ay La Safteen Xulafadii uu sacuudigu Hogaaminayey oo Wakhtigaasi Cunaqabataynta Saaray Qatar.

Ka Dib Markii Ciidamada Qatar Ay Ka Bexeen Deegaanadaasi, Ayaa Ciidamada Eritrea Ay isa Soo Dhoobeen Deegaanka La Isku Hayo, Taasi Oo Dawladda Jabuuti Ay aad Uga Qaylisay.

Dawladda Jabuuti Ayaa Sheegtay In Lahaashiyaha Dhulkan Ay Ku Doonayso Qaab Nabadeed, Taasi Oo Dawladda Eritrea aanay Marnaba Ogolaan.

Ururka Midawga Afrika Ayaa Guddi Xaqiiqo Raadin Ah U Diray Deegaanka La Isku Hayo, Waxaana Xal Kama Dambays Ah Laga Sugayaa Iyaga. Lama Hubo In Labada Dhinac Ku Qanci Doonaan Wixii Ay Soo Saaraan Guddidaasi, Balse Waxa La Hubaa In Labada Dhinac Ba aanay Ka Hor Iman Markii La Magacaabay Guddidaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Eritrea Oo Ay La Socdaan Wasiirada Arrimaha Dibedda, Ee Dalalka Itoobiya Iyo Soomaaliya, Ayaa Waxa Ay Socdaal Ku Tageen Caasimadda Jabuuti, Waxaana Ay Halkaa Ku Yeesheen Shir Ay Kaga Hadleen Sidii Loo Wanaajin lahaa Xidhiidhka Eritrea Iyo Jabuuti.

Wasiirada Jabuuti Iyo Eritrea Oo Warbaahinta La Hadlay Ayaa Sheegay In Ay Gaadheen Is Afgarad, Isla Markaa Ay Doonayaan In ay sii Wadaan Wada Hadalka labada Dhinac.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga