Tanzania's incumbent President and presidential candidate of ruling party Chama Cha Mapinduzi (CCM) John Magufuli (C) waves as he arrives to give a speech during the official launch of the party's campaign for the October general election at the Jamhuri stadium in Dodoma, Tanzania, on August 29, 2020. - Voters will also select new MPs and ward councillors when they go to the polls on October 28. (Photo by ERICKY BONIPHACE / AFP)

 

Dadka reer Tansaaniya waxay codkooda ka dhiibanayaan doorashada madaxwaynenimada dalkaasi oo uu ka horreeyay olole ay mucaaradku si wayn ugu dhaliileen dawladda iyagoo soo bandhigay welwelka ay ka qabaan soo laabashada madaxwaynaha dalkaasi John Magufuli.  

In ka badan 29 milyan oo qof ayaa isu diiwaangeliyey inay codeeyaan doorashada Arbacada, waxaana dadka siyaasadda Tansaaniya falanqeeyaa sheegayaan in doorashadan lagu go’aamin doono masiirka madaxwayne Magufuli oo xusul-duub ugu jira sidii loo dooran lahaa mar kale. 

Codbixinta Tansaaniya ka dhacaysa ayaa dadwaynaha loo ogol yahay inay codkooda dhiibtaan illaa 4-ta galabnimo.

Xisbiga talada haya, ayaa hayay xukunka tan iyo markii xornimada dalkaasi la qaatay sannadkii 196-kii.

Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa sheegay in naftiisu ay khatar kujirto, waxaanu ku andacoonayaa in laga qaatay ilaaladdiisii gaarka ahayd sidoo kalena lasoo weeraray.

Kooxaha u dhaqdhaqaaqa xorriyadda hadalka ayaa sheegay in mucaaradka dalkaasi Tansaaniya ay dawladdu si xun ula dhaqanto iyadoo guud ahaanna la xakameeyay baraha bulshada dalkaasi inta ay doorashadu socoto.

Magufuli, oo 60 jir ah, ayaa doonaya markii labaad ee ugu dambaysa muddo shan sano ah xafiiska. In kasta oo ra’yi dhiibashada la mamnuucay, taasoo adkeyneysa in la saadaaliyo natiijada, falanqeeyayaal badan ayaa u arka Magufuli inuu haysto fursado adag oo dib loogu soo dooran karo.

Ninka ugu weyn ee la tartamaya madaxwayne Magufuli Tundu Lissu, oo ka badbaaday isku day dil sanadkii 2017, kaas oo horaantii sanadkan ka soo laabtay mustaafuris ayaa laga mamnuucay horraantiii bishan kadib markii lagu eedeeyay inuu ku hadlay hadallo kicin ah.

Hoggaamiyaha mucaaradka Lissu, ayaa ku borrinaya taageerayaashiisa inay dibad-baxyo ka dhigaan jidadka haddii natiijada doorashada lagu dhawaaqo khamiista iyadoon si sax ah loo tirin. Qof hela codadka ugu badan ayaan g guuleysan doona iyadoo aanu jiri doonin wareeg labaad.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga