Sarkaalka labaad ee ugu sarreeya ciidamada milatariga dalka Kenya ayaa booqasho ku tegay magaalada Mandheera ee kulaalaysa ay Kenya la wadaagto dalka ay xiisaddu ka dhaxayso ee Soomaaliya.
Waa booqasho kusoo beegmaysa xili xukuumadda Nairobi ay ciidamo badan soo dhoobtay xadka ay Soomaaliya la wadaagto, taas oo Soomaaliya ay digniin hor leh kasoo saartay.
Jeneraal Guud Albert Kendagor oo horaantii sanadkan xilkan loo dalacsiiyay wuxuu tegay fadhiisimo ay ciidamo KDF ku leeyihiin deegaanka Mandheera ee xadka.
Wuxuu ciidamada Kenya uga mahadnaqay wax uu ku sheegay ‘difaaca madaxbanaandia dalkooda.’
Soomaaliya waxay Kenya ku eedaysay in ciidamada ay keentay xadka ay ugu talo gashay in ay duqeeyaan Balad Xaawo, oo ay ku yaalaan saldhigyo ciidamada xooga Soomaaliya ay leeyihiin.
Ciidamada xooga Soomaaliya ayaa iyaguna dhaqdhaqqaqyo ka wada deegaanka Bula Xaawo ee oo aan ka fogayn Mandheera, isla markaana u muuqda xadka ay wadaagaan labada dal.