Sawiro lasoo galiyay baraha bulshada ayaa lagu arkay taliyaha guud ee ciidanka Soomaaliya, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, oo bookhasho ku tegay xerada ay degenyihiin ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya jooga ee Ballidoogle.

Jeneraal Odowaa ayaa la kulmay qaar ka mid ah saraakiisha iyo taliyayaasha ciidanka Maraykanka iyo kuwa Soomaalida ee xerada ku sugan.

Faahfaahin kale lagama bixin bookhashada Jeneraalka ugu sareeya ciidanka Soomaaliya uu ku tegay xeradan, oo dhawaan ay weerar ku qaaday kooxda alShabab, balse aanay khasaare badan gaadhsiin.

Odowaa Raage, ayaa ah jeneraalkii ugu da’da yaaraa ee loo dhiibo hoggaanka ciidamada Soomaaliya, waxaana uu intii uu xilkan hayay deegaano badan laga saaray kooxda alShabab.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga