Taliska militirga qeybta 27aadee ciidanka Soomaaliya ayaa maanta dhagax dhigay talis cusub oo ciidanka xooga looga sameyanayo duleedka galbeed ee magaalada Baladweyne. Dhagax dhiga xurunta cusub waxaa ka qeyb galay abaanduulaha qaybta 27-aad ee ciidanka xooga dalka, taliyaha guutada 5aad iyo sarkiil kale.

Taliyaha guutada 5aad ee xooga Con. Faarax Cali Waasuge ayaa ka mahadceliyay dhismaha caruntan cusub ee taliska.

Gen Saalax Yacquub, abaandulaha qeybta 27aad ayaa sheegay in wax badan ay xurnata ka qaban doonta arimaha amniga magaalada Baladweyne ee goblka Hiiraan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga