Maamulka Wargeyska Dawan oo ku hadla afka dawladda ayaa shaqadii ka joojiyay Wariye Sagal Cabdiraxmaan.

Arrintan ayaa ka danbaysay ka dib markii ay Wariye Sagal Cabdiraxmaan oo dhinaca kale la shaqayn jirtay Telefishanka Horyaal ay dhawaan soo saartay barnaamij ay kaga hadlaysay haween iyagu geedka jaadka ku cuna Magaaladda Hargeysa.

Wareegtadan shaqada lagaga joojiyay Wariye Sagal Cabdiraxmaan oo uu ku saxeexnaa Tifaftiraha Wargeyska Dawan ayaa u dhignayd sidan

Dhinaca kale Wariye Sagal Cabdiraxmaan Oo Markii ay warqadu soo gaadhay qoraal kooban kaga jawaabtay ayaa tidhi ” Sida ku cad warqadan waxa lagu sheegay in nalaga joojiyey shaqadii aanu ka haynag wargeyska Dawan. Sidaa si lamida waxa shaqada laga joojiyay walaalkay Saciid Cagjar balse Tafatiraha wargeyska Dawan Axmed Saleebaan waxaan leeyahay inaad warqadan soo saarto dhib uma arko waxaad tahay nin shaqaale ah oo u adeegaya una daacad ah cidii dirsatay.

Balse waxa haboonaan lahayd inaad warqada ku xusto qodobada aanu jabinay ee qaranku noo haysto ee aad noo cuskateen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga