Wakaaladda wararka Somaliland ayaa sheegtay in dawladda Taiwan ay Somaliland ka caawin doonto ilaallada xeebaha.
Warka lagu daabacay barta ay wakaaladda wararka Somaliland ku leedahay Internet-ka, ayaa lagu soo xigtay qoraal ay Twitter ku baahisay dawladda dalkaasi.
Qoraalka ay daabacday wakaaladda wararka Somaliland, ayaa u dhignaa sida tan:
”Istaageersigan ayaa ka dhashay iskaashiga iyo wax wada qabsiga ay yeesheen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan, iyadoo labada dal ay isdhaafsadeen laba Safaaradood isla markaana ay iska kaashan doonaan mashaariic la xidhiidha Ganacsiga, Beeraha iyo Kalluumaysiga”.