46 Qof Oo Tahriibayaal Ah Oo Soomaaliya Ka Dhoofay Kuna Socday Dalka Yemen Ayaa Doon Ay Saarnaayeen Waxay Kula Dagtay Xeebaha Yemen, Sida Ay Sheegtay Qaramada Midoobay.

Waxaa Sidoo Kale La Baadigoobayaa 16 Qof Oo Kale Kadib Markii Doontoodii Ay Gadoontay, Sidaasina Waxaa Sheegtay Hay’Adda Socdaalka Dunida.

Dad Mashaqadan Ka Badbaaday Ayaa Sheegay In Doontu Ay Saarnaayeen 100 Qof Oo Ay Ka Soo Qaaday Dekada Magaaladda Boosaaso, Dadkan Ayaa La Sheegayaa Inay Shaqooyin U Doonanayeen Dalka Yemen Iyo Wadamada Kale Ee Khaliijka, Tahriibayaashani Ayaa La Sheegayaa Inay Dhamaantood Ahaayeen Dad Itoobiyaan Ah.

Hay’Ada IOM Ee Socdaalka Aduunka Ayaa Ku Waramaysa In Doontan Ay Degtay Maalinkii Arbacada, Dadka Ku Dhamaadayna Waxaa Ka Mid Ah Dumar Gaadhayay Sagaal Qof, Raguna Waxay Ahaayeen 37 Iyo Caruur.

Tahriibayaal Iyo Qaxooti Geeska Afrika Ka Yimid Ayaa Yemen U Socdaalayay Sanadihii Lasoo Dhaafay, Sababtoo Ah Yemen Waxay Albaab Laga Galo Oo Sahlan U Tahay Wadamada Kale Ee Khaliijka Iyo Yuruba

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga