Suxufi madax bannaan oo 3-sano ka hor lagu qabtay gudaha dalka Suuriya ee ay ka socdaan dagaalo ,ayaa la sii daayey ,isagoo gaadhay dalka Turkiga.

Xogheyaha Gollaha Xukuumadda ee Japan Yoshihide Suga oo qabtay shir jaraa’id saacadihii dambe ee xalay ayaa sheegay in wararka la xidhiida sii deynta Suxufigaasi ay ka heleen dhinaca dalka Qadar.

Ra’iisal wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa u mahad celiyay xukuumadaha Qadar iyo Turkiga,dadaalkii ay ka geysteen sii deynta Suxufigaasi.

Mr. Jumpei Yasuda ,waxa uu sanadkii 2000- billaabay in uu warbixinno ka soo ururiyo Bariga Dhexe,isagoo kooxda Daacish ee ka dagaalanta suuriya ay qabteen sanadkii 2015-kii,xilli uu la socday saaxiibkii oo la dilay.

Sanadki 2004-tii Suxufigaasi iyo 3-kale oo la socday ayaa lagu qabtay dalka Ciraaq,waxaana lagu sii daayey wadahadallo ay qeyb ka ahaayeen Culimo Islaami ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga