Ciidamada dawladda madaxweyne Bashaar alAsad ayaa kusii siqaya deegaanada ay hawlgalada ka wadaan ciidamada milatariga dalka Turkigu.

Milatariga Turkiga ayaa maalmo ka hor dagaal hubaysan ku qaaday waqooyibari dalka Suuriya halkaas oo uu rabo in uu ka saaro kooxaha Kurdiyiinta isla markaana uu ka samaayo aag nabdoon oo uu soo dejiyo qaxootiga waddankiisa ku sugan ee u dhashay Suuriya.

Ciidamada labada waddan ayaa laga cabsi qabaa in ay isku fara saaraan gudaha Suuriya, maadaama Turkigu uu ku adkaysanayo go’aankiisa, halka xukuumadda Dimishiqna ay ka cadhaysantahay tallaabadaas.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga