Sarkaal booliska ayaa xidhay ka dib markii ugu hanjaba deegaanka ay ku nool yihiin ee magaalada Jubba diblumaasiyiin Itoobiyaan ah maalintii salaasadii.

Michael Chiangjiek wasiirka arrimaha gudaha Koonfurta Suudaan , ayaa idaacada Tamazuj u sheegay in la qabtay Lieutenant Jackson Lodiong Chaplain ka dib markii uu xoog ku galey safaarada Itoobiya oo ku taalla xaafada Thongping , waxaana ay arrintan ka dambaysay markii muran kirada guriga ah soo dhex galay labada dhinac.

Sarkaalka booliska ah oo guriga iska leh ayaa markii kirada lagu murmay waxa dacwada gacanta ku qabatay maxkamada , mulkiilaha ayaan ku farxasanayn kirada , waxaana uu u sheegay diblumaasiyiinta Itoobiyaanka ah in haddii ay lacag wanaagsan siin waayaan in uu guriga ka saari doono.

Waxa loo sheegay in uu jiro qandaraas la kala saxeexday oo ay gacanta ku hayso maxkamadu.

Wasiirka waxa uu sheegay in sarkaalka la xidhay, sababta oo ah waxa uu gacanta ku qaatay sharciga , waxaana uu sheegay in xadhigu yahay arrin maamul , iyada oo dhinacyaduay dib ugu laaban doonaan maxkamada.

Muran ayaa waxa xudun u ah shirkad shir dhulka lagu wareejiyay oo ay ahayd in dhisto guryo waaweyn , sida uu cadeynayo heshiisa la galay 2012 , laakiin shirkada ayaan dhisin guryahaasi , waxaan ay ahayd kirada la kordhiyo sanadkiiba 10% Sarkaal la xidhay waxa uu sheegay in uu dacwad ka gudbiyey shirkada sannadkii 2017 ,iyada oo maxkmadu= amartay in isaga dhulka lagu wareejiyo , waxaana uu intaa ku daray in uu difaacayo xaqiisa , isla markaana uu dalbanayo wax uu xaq u leeyay.

Diblumaasiyiinta ayaan ka hadal arrintan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga