Suldaanka Cumaan Suldaan Haitham bin Daariq, ayaa wiilkiisa curad u cumaamaday inuu noqday dhaxal sugaha kowaad ee Saldanadda.

Wiilkiisa oo layidhaa Sayyid Dhi Yazan bin Haitham, ayaa ka aflaxay jaamacadda Oxford, waxaanu dhashay sannadkii 1990.

Warbaahinta dalkaasi ayaa ku warramaysa in tani tahay dookh wanaagsan oo uu Suldaanku u xulay da’yarta dalkaasi, waxaanu hadda yahay wasiirka dhaqanka, ciyaaraha iyo dhallinyarada, jagadaasi oo uu aabbihii u magacaabay kadib isku shaan-dhayn uu ku sameeyay xukuumaddiisa bishii August sannadkii 2020.

Sidoo kale wuxuu kasoo shaqeeyay safaaradda Ingiriiska, isagoo door kasoo ciyaaray wasaaradda arrimaha dibadda.

Kala soco Halkan wararkii ugu dambeeyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga