Sudan oo Itoobiya kala wareegtay deegaano xadka ku yaala

Sudanese security officers patrol as Ethiopian refugees who fled Tigray region are seen at the Fashaga camp on the Sudan-Ethiopia border, in Kassala state, Sudan December 13, 2020. REUTERS/Mohamed Nureldin Abdallah

Sudan waxay deegaano kala wareegtay ciidamada Itoobiya ee xadka u dhaxeeya labada waddan, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee Sudan oo u waramay wakaalada wararka ee Reuters.

Deegaanadan ayaa badi ahaa` kuwo ay Sudan ku eedaysay Itoobiya in ay kusoo xad gudbtay.

Xiisadda xadka u dhaxeeya Sudan iyo Itoobiya ayaa taagnayd tan iyo markii ay Itoobiya hawlgalka ka bilawday gobolka Tigrayga ee waqooyiga Itoobiya. Markaas oo boqolaal kun oo Itoobiyaan ahi ay u qaxeen bariga dalka Sudan.

Sudan ayaa ciidamo keentay xadka kadib ciidamad aIotobiya oo gudaha u galay deegaano ka tirsan Sudan.

Deegaanada uu imika muranka labada waddan ka taaganyahay ayaa ah deegaan beereed dhaca gudaha Sudan balse ay sanado badan dagayeen dad kasoo jeeda Itoobiya.

Todobaadadii dhawaa isku dhacyo dhimasho dhaliyay ayaa dhex maray ciidamada Sudan iyo itoobiya. Labada dal midba ka kale ayuu ku eedeeyay in uu hurunayo colaada xadka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga