Sudan waxay ciidamo badan oo kale u diraysaa gobolka Daafuur ee dhaca galbeedka dalkaas. 

Xukuumadda Khartuum ayaa tibaaxday in kadib weeraro ka dhacay gobolka oo lagu dilay 80 qof oo shacab ah ay ciidamo halkaas gaynayso. Nin hubaysan ayaa dadkan laayay, waxaana ku jirtay caruur. Waxay muddo sanado ah markii ugu horaysay qaarkood ay ku soo noqday deegaankooda kadib colaado guryahooda ka saaray.

Raysalwasaaraha Sudan Cabdalla Xamdook ayaa sheegay in xukuumadiisu ay ciidamo u dirayso Darfur si ay u ilaaliyaan muwaadiniinta xiliga lagu jiro goosashada dalaga.

Darfur waa gobol ay sanado badan rabshado ka jireen. Qalalaasaha halkan waxa noloshooda ku waayay dad ka badan 300,000 oo qof halka 2.5 mllion oo kalana ay ku bara kaceen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga