Dawladda Sucuudiga ayaa joojisay xoolihii uga iman jiray wadamada Sudan iyo Jabuuti, kadib markii la ogaaday in xanuuno ay qabeen xoolo hore looga keenay wadmadaas isla markaana la keenay Sucuudiga.

Wasaaradda beeraha, deegaanka iyo biyaha ee boqortooyada Sucuudiga ayaa war ay soo saartay ku hakisay dhoofka xoolaha ee wadamadan, illaa inta ay war danbe kasoo saarayso dawladda Sucuudigu.

Dhawr cudur ayaa laga helay xoolo si teel teel ah loo tijaabiyay caafimaadkooda todobaadkii hore, sida ay wasaaraddu sheegayso.

Sudan ayuu ka dilaacay xanuun xoolo badan laaayay todobaadkii hore, waxaana la filayaa in xanuunkaas ay ku sal leeyihiin kiisaska imika la helay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga