Boqortooyada Sucuudiga ayaa si-ku-meel-gaadh ah waxay xayiraadii uga qaaday xoolaha nool ee uga iman jiray dalka Soomaaliya, oo hore ay u mamnuucday kadib markii xanuun laga helay qaar ka mid ah xoolaha Soomaaliya uga yimi.

Wasaaradda deegaanka, waraabka iyo beeraha ee dawladda Sucuudiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay arintan, iyadoo xustay in ay uga dan leedahay si ay u xoojiso dhaqdhaqaaqa suuqyada gudaha.

Somaliland ayaa ku jirta deegaanada xayiraadda laga qaaday, maadaama ay wali ka tirsantahay Soomaaliya oo aanay helin aqoonsi dawladnimo.

Waxa la filayaa in xoolo ku dhaw hal milyan oo neef oo adhi iyo geel isugu jiraa ay mudada soddonka maalmood ee soo socda gaadhaan dalka Sucuudiga, iyagoo ka dhoofaya dekedaha dhulka Soomaalida.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga