Guddida xuquuqda aadanaha boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in guud ahaan dalkaasi laga joojiyay ciqaabta karbaasha jeedalka maalintii Sabtidii.

Guddida xuquuqda aadnaha ee boqortooyadu waxay sheegeen, inay tani kamid tahay tallaabooyinka isbedel iyo dibu habayn ee boqortooyada lagu samaynayo.

Ciqaabta jeedalka lagu karbaashayo dadka sameeya dembiyo gaar ah, ayaa waxaa xukumi jiray maxkamadaha boqortooyada, iyadoo mararka qaar boqollaal karbaash lagu xukumi jiray dembiileyaasha ciqaabtan lagu xukumo.

Maxkamadda sare ee boqortooyada Sacuudigu waxay sheegtay, in bedelka jeedalka laga dhigi doono ganaax amaba xabsi, taas oo ay haayadaha reer galbeedku aad ugu ololayn jireen muddooyin badan inay boqortooyadu joojisay karbaashka.

Warbaahinta dunida ayaa ku warramaysa in markii ugu dambaysay ee si wayn looga hadlo ciqaabta Karbaashku ay ahayd sannadkii 2015-kii, markaas oo nin baraha bulshada wax ku qora lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay diinteenna Suubban ee Islaamka, iyadoo lagu xukumay 1,000 karbaash todobaad walba, balse aad ay u cambaareeyeen dadka u dooda xuquuqda aadanuhu.

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa boqortooyada ku eedeeyay inay marar badan siyaasado dartooda dadka jeedal ugu karbaashato, taasi oo ay ku sheegaan inay ka baxsan tahay xuquuqda aadanaha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga