Sucuudiga oo hawadiisa u furaya Isra’iil

Sucuudigu wuxuu taariikhda markii ugu horaysay ogolaaday in diyaaradaha rakaabka iyo xamuulka ee Israa’iil ay isticmaalaan hawadiisa, kadib is-bedelo ama filaan ah oo ka socda gobolka Bariga Dhexe kuwaas oo Israa’iil ay ka macaashayso.

Diyaaradaha Israa’iil ee u socda dahnka Imaaraadka Carabta ayaa adeegsan doona hawada Sucuudiga, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Rueters iyo badi warbaahinta Israa’iil.

Tallaabada xukuumadda Riyaad ayaa ka danbaysay kadib wada xaajood dheer oo Jared Kushner, inanka uu sodoga u yahay madaxweyne Trump ahna la taliye sare oo Aqalka Cad ka tirsan, uu gadhwadeen ka ahaa lana yeeshay dhaxal sugaha awooda badan ee boqortooyada Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan.

Heshiiska ayaa soo baxaya kadib socdaalkii ugu horeeyay ee rakaab ah oo la qorsheeyay subaxa hore ee Salaasada in uu ka dego Imaaraaka Carabta. Heshiis la’aan waxa suurtagal ahayd in diyaaradaas laga celiyo hawada dalka Sucuudiga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga