Sucuudiga ayaa ku goodiyay in uu tallaabo ka qaadayo Xuutiyiinta dalka Yemen kadib weeraro kale oo kooxdu ay ku qaaday gudaha dalka Sucuudiga.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in ay weeraro madaafiic loo adeegsaday ku qaadeen ceelasha saliidda ee Sucuudiga, taas oo laf dhuun gashay ku noqotay xukuumadda Riyadh oo kasoo kabanaysa dhaawacyo ay ceelsasha qaar hore u gaadhsiiyeen madaafiicda kooxda Xuutiyiintu.

Ceelal ay leedahay shirkadda boqortooyada Sucuudiga ee Aramco iyo aagag milatari ayay beegsadeen Xuutiyiintu, sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay kooxdu.

Xerada Dammaam ee boqor cabdulcasiis ayay duqeeyeen Xuutiyiintu habeenimadii Khamiista.

Afhayeenka u hadlay kkooxda Xuutiyiintu wuxuu warkiisa ku daray in ceeklasha qaar uu dab ka kacay, balse weli ma jiro war xaqiijinaya oo kasoo baxay dhanka boqortooyada Sucuudiga.

Xukuumadda Riyadh waxay Xuutiyiinta Isniintii ka dalbatay xabbad joojin balse kooxda ayaa siiw ada weerarada ka dhan ah ceelasha balaayiinka dollar lagu bixiyay ee shidaalka Sucuudiga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga