Sucuudiga aya damacsan in uu samaysto hubka wax gumaada ee nukliyeerka loo yaqaano, kadib dalka ay gobolka ku xafiiltamaan ee Iran oo sii wada in uu horumariyo barnaamijkiisa hubkaas.

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Sucuudiga ayaa sheegay in Boqortooyadu ay bilaabi doonto samaysashada hubkan hadii wax laga qaban waayo Iran.

Caadil alJubayr wuxuu intaa ku daray in ay xaq u leeyihiin bilaabidda qorshahan.

“Way cadahay, Sucuudigu wuxuu samayn doobaa wax walba oo uu awoodo si uu u ilaaliyo badqabka muwaaidniintiisa. Hadii ay Iran ay nukliyeer samaysato, wadamo badan ayaa ku xigi doona” ayuu yidhi alJubayr oo waraysi siinayay wakaalada wararka jarmalka ee DPA loo yaqaano.

Iran wali kamay jawaabin hadalada kasoo yeedhayxukuumadda Tehran.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga