Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in dadka laga tallaalay fayraska Covid-19 ay u ogolaanayso in ay tagaan ama soo gutaan Cumrada.
Markan, waxa la ogolaanayaa dadka ka imanaya wadamada kale ee aan ahayn gudaha Sacuudiga, sida lagu xusay warka Boqortooyada.
Sacuudiga ayaa iska joojiyay dadka ka imanaya wadamada kale ee raba in ay gutaan acmaasha Xajka ama Cumrada, isagoo ka hor tagaya fiditaanka caabuqa halista ah ee Covid-19.