Sucuudiga iyo Pakistan ayaa arinta deegaanka Kashmiir isku haya, xili ay labada dhinac wadaan dedaalo ay ku dajinayaan xiisadda u dhaxaysa.

Pakistan ayaa cambaaraysay Sucuudiga iyo ururka uu ugu tunka waynyahay ee Ururka Iskaashiga Iskaamka kaas oo fadhigiisuna yahay magaalada xeebta ku taala ee Jidda.

Xukuumadda Islamabad waxay Sucuudiga iyo ururkaba ku eedaysay in aanay ka hadal arinta Kashmiir, oo ay ahayd in ay mawqif cad ka qaataan, sida lagu xusay war kasoo baxay dawladda Pakistan.

Wasiirka arimaha dibadda ee Pakistan ayaa sheegay in ay wali ilaalinayaan xidhiidhka ay la leeyihiin boqortooyada Sucuudiga, balse ay ka dhul suganaa ajandaha kulanka wasiirada arimaha dibadda ee ururka iskaashiga islaamka. Wuxuu xusay hadii ay markan ka hadli waayaan arinta Kashmiir ay dawladiisu qaadi doonto tallaabo ay isugu yeedhayso wadamada Islaamka si ay war uga soo saaraan arinta deegaanka Kashmiir.

Kashmiir waxa ku muransan wadamada Pakistan iyo Hindiya. Deegaanka waxa ku nool 12million oo muslimiin u badan. Waxaana jira ciidamo labada waddan ka kala socda oo sanado badan isku hor fadhiya Kashmiir, mararna ku dagaalama.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga