Dhowr qof ayaa ku dhaawacmay Arbacadii markii walxaha qarxa lagu dhuftay xaflad lagu xusayay dhammaadkii Dagaalkii Koowaad ee Adduunka oo lagu qabtay qabuuraha magaalada Jeddah ee Sacuudi Carabiya.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Faransiiska ayaa sheegtay in xuskaasi ay joogeen dublumaasiyiinta dhowr waddan iyo wakiilo reer Yurub ah, kuwaas oo kasoo qaybgalay xuskaas.  

Xafladda sanadlaha ah ee lagu xuso dhammaadka Dagaalkii Koowaad ee Adduunka oo lagu qabtay qabuuraha gaalada ee ku yaal magaalada Jeddah, ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiinta dhowr qunsuliyadood kuwaasi oo ay kujirtay qunsuliyadda Faransiisku, waxaana lagu weeraray walxaha qarxa nooca gacanta lagu farsameeyo.

Wararku waxay sheegayaan inay ku dhaawacmeen dhawr qof.  

Faransiiska ayaa waxaa uu si xoggan u cambaareeyay weerarka, waxaanu ku tilmaamay mid fulaynimo ah oo aan qiil loo yeeli karin.

Qaraxa ka dhacay magaalada Jiddah ee dalka Sacuudiga, ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay sarkaal u dhashay dhashay dalka Giriigga, kaasi oo sheegay in magaciisa la shaaciyo

“Waxaa jira qarax ka dhacay qabuuraha gaalada ee ku yaalla magaaalada Jiddah, iyadoo ay ku dhaawacmeen afar qof kuwaas oo uu dhaawacoodu fudud yahay iyadoo mid kamid ahi uu yahay Giriig ayuu yidhi sarkaalka Giriigga ah ee magaciisa diiday in la 

Faransiiska ayaa ku boorriyay muwaadiniintiisa ku nool boqortooyada in ay “ku jiraan feejignaanta ugu sareysa” iyadoo ay jirto xiisad kacsan ka dib markii qof weerar gaystay uu madaxa ka gooyay macalin Faransiis ah oo wax ka dhiga dugsiga-dhexe oo ku yaalla dalkaasi, kadib markii uu ardaydiisa tusay sawir-gacmeedyo lagu sheegay nebi Muxammed NNKH.

Saraakiisha Sucuudiga ayaan wali ka hadlin weerarkan iyadoo warbaahinta ay maamusho Sacuudiga aanay soo hadal-qaadin, dhanka kale warbaahinta Sacuudiga, ayaa waxay werinayaan in boqor Salmaan lagu wado inuu khudbad sannadle ah u jeediyo shacabka dalkaasi, taasi oo uu awoowdda ku saari doono ahmiyadaha siyasadeed ee sannadkan. 

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga