Sacuudi Carabiya ayaa xukuntay sideed qof oo loo haystay dilka weriyihii mucaaradi jiray maamulka Sacuudiga ee Jamal Khashoggi, sida ay ku warantay warbaahinta dowladdu maanta oo Isniin.
Maxkamad ayaa 20 sano oo xadhig ah ku xukuntay shan qof oo loo heysto kiiska dilka, halka seddex kalena lagu xukumay inta u dhaxeysa 7 ilaa 10 sano.
“Shan ka mid ah dadka la xukumay waxaa lagu xukumay 20 sano oo xadhig ah, halka seddex kalena lagu xukumay 7-10 sano,” ayaa lagu daabacay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Sacuudi Carabiya iyadoo soo xiganeysa adeegga-dacwad soo oogidda dadweynaha dalkaasi.
Xukunkan maxkamadda ee kama dambaysta ah, ayaa yimid kadib markii wiilasha weriyaha la dilay Khashoggi ay sheegeen bishii May inay “cafiyeen” gacan ku dhiiglayaasii dilay aabahood.
Khashoggi ayaa la waayey meel uu jaan iyo cidhib dhigay bishii October 2, 2018, xilli uu tegay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul. Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa markii dambe shaaca ka qaaday, in koox hubaysani ay ku dishay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga.
Gebi ahaanba lamahelin maydkiisii, oo la rumaysan yahay in la jarjaray.
Jamaal Khashoggi ayay da’diisu ahayd 59 jir, waxaanu wax ku qori jiray wargeesta ‘’The Washington Post’’, isagoo ku dhaleecayn jiray taliska boqortooyada Sacuudiga.
Su’aalo ayaa wali ka taagan doorka dhaxal sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed bin Salmaan (MBS) ee amarka dilka, iyadoo dhowr hay’adood oo sirdoon reer galbeed ah ay sheegeen inuu wax ka ogaa howlgalka ka hor intii aan la fulin.
Dowlada Sacuudiga ayaa dilkan ku tilmaamtay “Howlgal been abuur ah” kadib markii ay si isdaba joog ah ay u beenisay inay ku lug lahayd.
Agnes Callamard – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay uqaabilsan dilalka sharci darrada ah, wuxuu kaloo helay “cadeymo lagu kalsoonaan karo” oo ah in Amiir Maxamed iyo saraakiil kale oo sare oo Sacuudi ah ay mas’uul ka ahaayeen dilka warbixintii baadhitaan ee la daabacay bishii Juun 2019.
Xidhiidhka Ankara iyo Riyadh, ayaa cuslaaday kadib dilkii saxafigaasi, maadaama uu ahaa nin ay is yaqaaneen madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
Bishii March, dacwad-oogeyaasha Turkiga ayaa 20 muwaadin oo Sacuudiyaan ah ku soo oogay dacwado la xidhiidha dilkii Khashoggi, dadka dacwadaha lagu soo oogay ayaa waxaa kamid ahaa laba kaaliye hore ugu soo noqday Amiir Maxamed Bin Salmaan.
Sida ku xusan dacwadda, taliye ku-xigeenkii hore ee sirdoonka Sacuudi Carabiya Axmed al-Assiri ayaa lagu eedeeyay inuu aasaasay koox garaacday isla markaana qorshaysay dilka Khaashuqji.
Saud al-Qahtani, oo hore boqortooyada ugu ahaa lataliyaha warbaahinta, ayaa lagu eedeeyay inuu abaabulay oo uu hogaaminayay howlgalka isagoo amarro siiyay kooxda wax dilaysay. Tuhmanayaasha kale ayaa u badan saraakiil militari iyo sirdoonka Sacuudiga oo la sheegay inay ka qeyb qaateen khaarajintii Khaashuqji.