Dalka Spain ayaa sheegtay Jimcihii oo keliya, dadka u dhintay cudurka Coronavirus, inay dhan yihiin 932 qof, tiradaas, oo ka dhigaysa guud ahaan dadka u geeryooday dalkaas Coronaha, 11,000 oo qof.

Dadka ku geeryooday Spain, ayaa ah kuwii ugu badnaa ee dalkaasi ku geeryooda, tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka iyada oo dalkaasi uu yahay ka labaad ee ugu dhimashada badan cudurka Coronavirus, marka laga yimaad dalka Talyaaniga.

Guud ahaan adduunka oo dhan, ayaa dadka u geeryooday cudurka Coronavirus, ayaa waxa ay ka badan yihiin 54, 000, halka dadka uu asiibayna ay kor u dhaafeen hal Milyan oo ruux.

Dalka Maraykanka, ayaa ah ka ugu badan marka ay noqoto dhimashada maalin laha ah, iyadoo 1,200 oo qof ay u dhinteen Coronavirus, maalin keliya ah, taasoo guud ahaan dhimashada Maraykanka ka dhigtay mid kor u dhaaftay 6,000 oo qof.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga